skip to content
Primary navigation

Iska ilaali in lagu khiyaamo

Iska ilaali tuugada xadda aqoonsiga dadka

Tuugada aqoonsiga xadda waxay ka faa'iideystaan dadka mashquulsan si ay uga helaan macluumaad shakhsi ah.

Tuugada aqoonsiga dadka waxay isticmaalaan “phishing ama ugaarsi”. Ugaarsiga qalin-shubatada ah tuugtu waxay diyaarsadaan boostooyin ah intarnetka ama taleefannada dadka. Dabadeedna farriimo ayey dadka ugu diraan intarnetka ama taleefankooda (sida sawirka hoos ka muuqda).

Tuugadu waxa ay soo heleyaan waa boostooyinka intarnetka ama lambarrada taleefanka dadka. Waxay ogyihiin in aysan dad badan u soo jawaabeyn. Ujeedkoodu waa in ay dadka qaar mar uun gujiyaan linki ay ugu direen qoraal ahaan ama boostada intarnetka.

Tuugada aqoonsiga xadda waxay iska dhigaan xafiis la aammini karo (sida wakaalad dowladeed ama bangi). Waxay kaa rabaan in aad gasho ama gujiso linkiga sabab muhiim ah awgeed, sida:

  • There is an error or problem with your account (Khalad ama mushkilad ayaa ka jirta kadinkaaga intarnetka)
  • Your account has been suspended/deactivated (Kadinkaaga intarnetka waa la hakiyey/la xiray)
  • Your application for benefits is incomplete (Codsigaagii lacagta ceymiska shaqada ma dhammeystirna)
  • You won a prize or gift card (Waxaad ku guuleysatay abaalmarin ama kaar ah hadyad)
  • Waxaad noqotay waa dhibbane la khiyaamay

Tuugada aqoonsiga xadda waxay ku siinayaan kama-dambeys degdeg ah oo aad ugu jawaabto. Waa in ay kugu cadaadiyaan inaad degdeg ugu jawaabto. Tuugadu ma rabaan in aad fekerto – waxa keliya ee ay rabaan waa in aad gujiso linkigooda.

Tuugada aqoonsiga xadda aad bay dadka u qanciyaan – qof kasta ayey khiyaami karaan haddii aan la iska ilaalin. Waxaan waraaqdan kuugu soo dirnay waa fikrad ahaan si aad isu ilaaliso oo aysan aqoonsigaaga kaaga xadin.

Halkan waxaa ku qoran saddex arrin oo muhiim ah haddii aad taleefan ama farriimo ka hesho qof aadan aqoon:

  1. Marna ha gujin linki ama ha furan feyl lifaaq ah oo uu kuu soo diray qof aadan aqoon. Gujinta linki ama furashada feyl lifaaq ah khatar ayey ku keeni karaan aaladda aad intarnetka u isticmaaleyso. Dhib kale oo jira waa in linkiyada qaarkood ay kuu gudbin karaan shabakad intarnetka ah oo been-abuur ah (oo u eg shabakad dhab ah oo aad kol hore booqatay). Shabakadaha been-abuurka ah waa kuwa loo sameystay in lagu xado macluumaadka dadka. Si aad isaga hubiso inaad galeyso bogga saxda ah ee Ceymiska Shaqada, MAR KASTA adigu si toos ah u gal bogga www.uimn.org.
  2. Weligaa qof aadan aqoon ha siin macluumaadkaaga shakhsiga ah (sida lambarka koontadaada bangiga ama Sagaalkaaga Lambar). Haddii uu qof kuu sheegto in uu ka shaqeeyo xafiiska ceymiska, u sheeg inaad adigu soo garaaceyso taleefanka saxda ah ee xafiiska ee ku jira intarnetka.
  3. Weligaa qof ha u sheegin summaddaada/furehaaga. Ma dhaceyso inay bangi ama xafiis dowladeed oo dhab ah ku soo weydiiyaan summaddaada ama furehaaga.

Farriimaha Ceymiska Shaqada ama UI

Halkan waxyaabaha ku qoran waa in aad xusuusnaato:

  • Annagu MARNA ma soo dirno farriimo qoran: annagu marna kuuma soo direyno farriimo taleefan ah oo ku saabsan kadinkaaga intarnetka ee ceymiska shaqada. Haddii aad hesho farriin ah kadinkaaga intarnetka ee ceymiska shaqada, ogow waa wax khiyaamo ah.
  • Annagu MARNA farriimo kuma soo dirno baraha bulshada: annagu marna arrimaha ceymiska shaqada dadka uguma sheegno Facebook, Twitter, ama baraha kale ee bulshada. Haddii aad baraha bulshada ku hesho farriin ku saabsan kadinkaaga intarnetka ee ceymiska shaqada, ogow waa wax khiyaamo ah.
  • Annagu MARNA dadka ma siin karno abaalmarin ama lacag si ay uga jawaabaan daraasad: annagu marna ma bixin karno abaalmarin ama kaarar ah hadyado marka nalooga jawaabo daraasad (ama wax kale). .
  • Annagu MARNA dadka ma weydiin karno hab kale oo ay lacag ku qaataan: annagu marna kuulama soo xiriiri karno si aan kuu weydiino haddii aad iska beddeleyso koontada lacagta “inaad codsato kaar bangi oo cusub.”
  • Annagu MARNA lama shaqeyno shabakado kale oo dadka ku caawiya codsiga lacagta ceymiska shaqada. Haddii aad rabto inaad lacag codsato ama lacag laguu soo dirayo, mar kasta adigu si toos ah u soo gal barta caanka ah ee aan ku leenahay intarnetka www.uimn.org. Waa in aadan marna lacag ku bixin qof kale oo kugu caawinaya codsiga lacagta ceymiska shaqada.
  • Haddii aad rabto inaad gasho kadinkaaga intarnetka, MAR AKSTA si toos ah uga soo gal barta aan ku leenahay intarnetka (www.uimn.org). Sidaas ayaad ku hubsan kartaa inaad la socoto wixii cusub, iyo inaad soo gasho barta intarnetka ee saxda ah.

Applicant login page displaying the correct URL (www1.uimn.org/ui_applicant/applicant/login.htm
Applicant login page displaying a bad URL (fakebadwebsite.com/applicants/login.htm
back to top